Tuesday, July 15, 2025

Diyaarad degdeg loo dejiyay kadib sheeko dhex martay rakaab saarnaa [Akhriso]

Diyaarad kasoo duushay dalka Slovenia kuna socotay UK ayaa si degdeg ah loo dejiyay, ka dib markii duuliyaha loo sheegay in rag saarnaa ay “u sheekaysanayeen sida argagixasada”.

Saddex nin ayaa la xiray habeennimadii Sabtida, ka dib markii diyaaradda oo ay leedahay shirkadda Easyjet lagu dejiyay garoonka Cologne-Bonn ee dalka Jarmalka.

Dhammaan 151 rakaab ah oo saarnaa diyaaradda ayaa laga daadgureeyay, waxaana duulimaadka la hakiyay muddo saddex saac ah. Booliska ayaa sidoo kale burburiyay boorso ay wateen raggaasi.

War qoraal ah oo uu soo saaray booliska magaalada Cologne ayuu ku sheegay in qaar ka mid ah rakaabka ay shaqaalaha diyaarada ku wargeliyaan in saddexda nin ay ka sheekaysanayeen argagixisanimo, balse faahfaahin dheeraad ah laguma sheegin qoraalka.

Shirkadda Easyjet ayaa sheegtay in duuliyaha uu gaaray go’aanka dejinta diyaaradda, si uu u hubiyo ammaanka rakaabka diyaaradda saaran.

Dhammaan rakaabka diyaaraddaasi ayaa la siiyay meel ay seexdaan, waxaana ay duulimaadkooda dib u billaabayaan saaka oo Axada ah, sida ay shirkadda sheegtay.

SourceBBC

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON