Monday, July 7, 2025

Diyaarad Drone ah oo lagu weerrray Guriga Ra’iisal wasaaraha Ciraaq ee Baqdaad & Xaaladiisa

Ra’iisal wasaaraha dalka Ciraaq Mustafa Al-Kadimi ayaa ka badbaaday weerar lagu qaaday Gurigiisa degaanka cagaaran ee magaalada Baqdaad, kaasoo loo adeegsaday diyaarad nooca Drone-ka ah.

Weerarka ayaa dhacay xilli danbe xalay, waxaana Guriga uu ku noolaa Ra’iisal wasaaraha xilka sii haya lagu hagay diyaarad nooca is-wada ee Drone-ka ah oo waxyaabo qarxa lagu soo xiray, iyadoo Qarax weyn laga maqlay guriga uu degan yahay, kadibna rasaas xoog leh ay dhacday muddo daqiiqado ah.

Ra’iisal wasaare Al-Kadimi iyo Qoyskiisa ayaa ka badbaaday weerarka lagu qaaday, wuxuuna farriin uu diray ku sheegay inay xaaladiisa wanaagsan tahay oo shacabka ay is dejiyaan, iyadoo ciidamada Amniga ay qaadeen tallaabo ay amnigiisa ku sugayaan.

Weerarkan ayaa noociisa ahaa mid aan hore loo arag, waxaana ujeedkiisu ahaa in lagu khaarijiyo Ra’iisal wasaaraha Ciraaq ee xilka sii haya Mustafa Kadimi, kaasoo fashilmay.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo khilaaf ka taagan yahay Doorashadii dhowaan ka dhacay dalka Ciraaq, iyadoo ay bannaanbaxyo lagu diidan yahay natiijada ka socdaan dalkaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON