Saturday, September 19, 2020
More

    Diyaarad Gargaar sida oo lagu rasaaseeyay Garoonka Qansaxdheere (Yaa ka danbeeyay..?)

    Wararka laga helayo Gobolka Bakool ayaa sheegaya in diyaarad gargaar siday lagu rasaaseeyay Garoonka degmada Qansaxdheere xilli ay ku dageysay Garoonkaasi.

    Diyaaradda ayaa la sheegay inay rasaas fudud Garabka ayna si nabad ah ugu degtay Garoonka Qansaxdheere, kadibna ay ku laabatay magaalada Muqdisho.

    Ad

    Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya cidda ka danbeysay rasaaseynta diyaaradda, iyadoo ay garoonka Qansaxdheere gacanta ku hayaan ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM.

    Diyaaradda ayaa waxaa diray Hay’adda WFP ee Q/Midoobay, waxayna siday gargaar u badan cuntada nafaqada caruurta oo loogu talogalay urur ka howlgala degmada Qansaxdheere.

    Guddoomiyaha Degmada Qansaxdheere C/risaaq Cabdi Ibraahim ayaa beeniyey in ciidamada Itoobiya ay rasaaseeyeen diyaaradda, wuxuuna sheegay in maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ay ka danbeeyeen rasaaseynta diyaaraddaasi, kadibna la baacsaday, sida uu sheegay.

    Waa diyaaradii labaad oo shil noocaan ah la kulanto Maamulka K/Galbeed, iyadoo diyaaradii African Express lagu soo riday magaalada Berdaale, taasoo ay ka danbeeyeen Ciidamada Itoobiya.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    147,290FansLike
    1,955FollowersFollow
    5,616FollowersFollow
    147,290FansLike
    1,955FollowersFollow
    5,616FollowersFollow

    TOP NEWS

    Prof. Yaxye Caamir oo ka jawaabay labadii sabab ee Madaxweyne Farmaajo sheegay inuu u tanaasulay

    Prof. Yaxye Sheekh Caamir oo ka mida Aqoonyahanadda ka hadlay arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha ayaa ka jawaabay laba sabab oo Madaxweyne...

    Madaxweyne Qoorqoor oo War Quus ah ka sheegay Xuquuqdii Metellaada Gobolka Banaadir

    Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa sheegay in arrinta metelaadda Gobolka Banaadir ayaa War quus ah ka sheegay metelaadda Gobolka Banaadir, kadib...

    SAWIRRO: Diyaarad ku dhacday Garoonka Muqdisho & Wararkii ugu danbeeyay..

    Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu shil diyaaradeed ka dhacay Garoonka Aden Cadde ee caasimadda, kadib markii ay ku dhacday...

    Madaxweyne Farmaajo oo kashifay Laba sabab oo ku qasabtay inuu ka tanaasulo Doorasho Qof iyo Cod ah

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu ka tanaasulay Doorasho Qof iyo Cod ah, kadib markii ay xaaladu gaartay in dalku...

    Madasha Xisbiyada oo soo jeedisay Laba Qodob oo ka maqnaa Heshiiska Doorashada 2020/2021 (Akhriso)

    Madasha Xisbiyada Qaran ee ay hoggaamiyaan Madaxweynayaashii hore ee Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa War kasoo saartay heshiiska Doorashada...

    Saddexda Fursad ee Farmaajo ku lumiyey Kursiga Madaxweynaha iyo saameynta mustaqbalkiisa (Akhriso)

    Waxaa lagu doortay si lama filaan ah, waxaana lagu soo dhoweeyay xamaasad iyo hami sare oo shacabku ka qabeen inuu isbedel ku...

    “Waxaad meteshaa Dad miisaankoodii siyaasadeed maqan yahay..” Qoraal C/raxman C/shakur u diray Ra’iisal Wasaaraha cusub

    Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa farriin qoraal ah u diray Ra'iisal wasaaraha cusub ee la magacaabay Maxamed Xuseen Roobe, wuxuuna kula taliyey...

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!