Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in diyaarad gaar ah ay halkaasi saaka ka qaaday Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay diyaarad gaar ah u dirtay Cumar C/rashiid isagoo u duulay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.
Ujeedka socdaalka Cumar C/rashiid ayaa la xiriira Doorashada Madaxweynaha dhawaan la filayo inay ka dhacdo Soomaaliya oo ay ku taageereyso Imaaraadka, waxayna wararku sheeyaaan in dhaqaale fara badan Imaaraadka ku bixinayo sidii Cumar C/rashiid ugu soo bixi lahaa madaxweyne.
Ololaha Doorashada ayaa sii xoogeysanaya iyadoo waqtiga Doorashada soo dhowaaday waxaana maalmaha soo socda la arki doonaa isbedel weyn oo dhinaca ololaha doorashada ah.
Goobjooge.com