Mida ka mida diyaaradaha ka howlgala Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa shaqadii laga joojiyay maanta.
Wararka laga helyo ilo ku sugan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa sheegaya in Diyaaradan oo lagu magacabao Sam Express ay u kala gooshi jirtay dalalka Kenya iyo Soomaaliya.
Saraakiisha duulimaadka ee Soomaaliya ayaa ka war helay in diyaaradan ay sii mari jirtay garoonka Wajeer ee Waqooyi Bari Kenya, halkaasoo rakaab ay ka qaadi jirtay, iyadoo hore duulimaadyada Muqdisho iyo Nairobi toos laga dhigay.
Baaritaan ayaa la sheegay inuu ku socdo Shirkadda ay u howlgasho diyaaradan oo ku dooday in Garoonka Wajeer ay si caadi ah uga shaqeysato diyaaradda. Shaqadii diyaaradda ayaa laga joojiyay Garoonka Muqdisho.
Goobjooge