Goobjoogeyaal ku sugnaa Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in Diyaaradda Turkish Airlines ee saaka ku sugneyd Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde ay degdeg uga duushay garoonka kadib markii ay dhaceen qaraxyadii waaweynaa ee ka dhacay qeybta dambe ee Garoona.
Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda ay ka soo degeen rakaabkii la socday, balse intii aan dadkii loo diyaariyay aysan qaadin ayaa duuliyihii diyaaradaasu iskiis go’aan ugu gaaray inuu Muqdisho ka duulo, diyaaradana dib u celiyo iyadoo faaruq ah.
Lama oga cidda siisay amar dib u celinta diyaaradda, laakiin Diyaarada Turkish Airline ayaa duushay iyadoo fasax aan weydiisan mas’uuliyiinta Garoonka isla markaana degdeg u dhoofiyay garoonka Muqdisho.
Dadkii ku qornaa diyaarada ayaa maanta dib uga soo laabtay garoonka Muqdisho, iyadoo aan loo sheegin xilliga loo bedelay duulimaadkooda.
Goobjooge.com