Wednesday, July 9, 2025

Diyaaradii Axmed Madoobe ka qaaday Garowe oo cilad ku qabsatay hawada & Wafdigii oo dib loo celiyay

Diyaaradii uu manta duhurnimadii garonka magaalada Garowe ka raacay hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa dib ugu laabtay garoonka ay ka duushay kadib markii muddo 25 daqiiqo ay hawada ku jirtay iyadoo ku sii jeeday  magaalada Kismaayo.

ahmadobe

Wararka Garowe laga helayo ayaa sheegaya in Wafdiga Axmed Madoobe dib loogu celiyay Garoonka Garowe markii duuliyaha diyaaradda uu sheegay inay cilad  soo wajahday diyaaradda oo aanu tegi karin Kismaayo.

Axmed Madoobe iyo xubnihii la socday ayaa la sheegay inay khalkhal weyn la kulmeen xaaladuna ku cuslaatay, basle si nabad ah ay dib ugu noqdeen Garowe, halkaasoo ay ku xayiran yihiin iminka iyagoo ka aamin baxay diyaaradda ciladowday oo qalqaalo loogu jiro diyaarad kale sidii loogu soo diri lahaa.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON