Monday, June 23, 2025

Diyaarado Dagaal oo Duqeyn ka fuliyey Xarun lagu tababarro Alshabaab oo ku taalla Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya ayaa sheegay in halkaasi ay ka dhacday duqeyn diyaarado ka geysteen saldhig Alshabaab leeyihiin.

Diyaarado aan la aqoonsan ayaa duqeyn ka fuliyey degaan lagu magacaabo Jiljileey oo18 KM u jiro tuulada Ceelcali oo dhanka galbeed illaa 70 KM uga beegan magaalada Baledweyne ee xaruunta gobalka Hiiraan.

Ma jirto xog rasmi ah oo laga helay khasaaraha ka dhashay duqeynta. Dadka deegaanka ayaa sheegay in ilaa 7 jeer jug xoog leh laga maqlay goobta la duqeyay laakiin wax faahfaahin ah oo intaa dheer kama aysan bixin duqeynta.

Ad

Deegaanka duqeynta ay ka dhacday ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa saldhig lagu tababaro malayshiyaadka Al-Shabaab, islamarkaana laga abaabulo weerarada uu ururka ka geysto goballada Hiiraan iyo Bakool.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON