Monday, June 23, 2025

Donald Trump oo Hal shardi ku xiray inuu xilka banneeyo, kuna adkeystay in Doorashadii Mareykanka..

Madaxweynaha xilligiisu sii dhammaanayo ee Donald Trump ayaa sheegay in doorashadii dalkaasi ee madaxweynaha looga shubtay, ayna dhacday ku shubasho baahsan oo dalkaasi hareysay.

Isagoo warbaahinta la hadlayey munaasabadda Ciidu-shurkiga loo yaqaan ayuu Trump caddeeyay inuu xilka banneynayo haddii Ergada Doorashada dalkaasi ay u coddeeyaan Joe Biden, laakiin wuxuu ku dooday in Doorashada madaxweynaha Mareykanka 2020 uu ka dhacay musuq baahsan.

Madaxweyne Trump oo ilaa 3-dii bishan Novembar diiday inuu qirto in looga adkaaday doorashada ayaa weli ku adkeysanaya inuu ku guuleystay codadka shacabka Mareykanka ee gaaaya 74 milyan oo qof, balse codadka uu heysto Joe Biden ee ku dhow 80-ka Milyan ay yihiin kuwo been abuur ah.

Ad

Dacwado badan oo ay gobollo badan ku soo oogeen kooxda Trump si dib loogu tiriyo ama codadka qaar sharci darro laga dhigo ayaa intooda badan guuleysan waayey, waxaana ugu danbeyn Trump uu ku socdaa inuu xilka ka dego 20 Janaayo 2021 oo la dhaarin doono madaxweynaha cusub ee Mareykanka Joe Biden.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON