Thursday, June 26, 2025

Donald Trump oo Noqday Madaxweynaha 45-aad ee Mareykanka

Donald John Trump ayaa maanta noqday madaxweynaha 45-aad ee dalka Mareykanka, isagoo dalka Mareykanka hoggaamin doonaa afarta sano ee soo socota.

Trump oo la doortay 8 November, doorasho muran badan hareeyay oo lama filaan ahayd ayaa xilka si rasmi ah ugala wareegay madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama kadib markii lagu dhaariyey munaasabad ka dhacday aqalka Capitol Hill ee congress-ka Mareykanka.

Ku dhowaad hal milyan oo qof oo ka kala yimid dhammaan gobollada dalka Mareykanka ayaa isugu yimid magaalada caasimadda ah ee Washington DC ee si ay goob jog ugu noqdaan maalintan taariikhiga ah.

Khudbadii caleemo saarka Trump ayaa ahayd mid balanqaad miiran ah isagoo dadka Mareykanka u balan qaadayi nuu xukunka u soo celin doono, wuxuuna shaqadiisa ka bilaabay isagoo saxiixay magacaabista golihiisa wasiirada.

Madaxweynihii hore ee Obama iyo xaaskiisa ayaa ka tegay Aqalka Cad iyadoo diyaarad gaara ay aka qaaday Joint Base Adrews waxayna u jiheysteen Gobolka California.

VOA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON