Xisbiga Jambuuriga dalka Mareykanka ayaa si rasmi ah u doortey ganacsadaha maal-qabeenka ah ee muranka weyn dhaliyay Donald Trump
inuu noqdo musharraxooda u tartamaya doorashada madaxtinnimo ee Mareykanka 2016.
Shirweynihii Xisbiga Jamhuuriga ee ka dhacaya magaalada Cleveland ee gobolka Ohio, ayaa xalay waxay ergooyinka siiyeen codadkii uu u baahnaa Trump ee 1,237-da cod, taasoo ka dhigtay inuu noqdo mashurraxa rasmiga ah ee xisbigaasi u matali doona tartanka madaxtinnimada.
Waxa uu Trump islamarkii uu noqdey musharaxa rasmiga ah ee xisbiga Jamhuuriga uu twitter-kiisa dhigey in aanu niyad jabin doonin taageerayaashiisa oo uu si adag u shaqeyn doono.
Xog-hayihii hore ee Arrimaha Dibadda Mareykanka Hillary Clinton ayaa lagu wadaa in dhowaan iyaduna ay noqoto musharaxa rasmiga ah ee Xisbiga Dimoqraadiga, waxaana labada musharax ay ku loolami doonaan doorashada dalka Mareykanka ka dhaceysa 8 November 2016.
Donald Trump oo ah nin dood weyn ka dhaliyay Mareykanka iyo dunida, isla markaana leh mowqifyo xagjir ah ayaa ololaha doorashiisa oo dhami wuxuu salka ku hayaa inuu America mar kale ka dhigo dal xoog leh oo nabad taam ah ka jirto, wuxuuna ku eedeynayaa Obama iyo Xisbiga Dimoqraadiga inay yihiin dad jilicsan oo dalkaas weyn aan hogaamin karin.
SAWIRRO





Goobjooge.com


