Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka oo muranka badan dhaliyay Donald Trump ayaa sheegay in dadka Soomaalida ah iyo qaxootiga kale ee ka soo jeeda dalalka Argagaixisadu ka jirto ay tahay in laga joojiyo inay soo galaan dalka Maraykanka.
Isagoo la hadalayay taageerayaashiisa goblka Main ayuu Mr. Trump sheegay in Maraykanka lagu doo daayay dad ka yimid dalal ay argagixiso ka jirto, taasoo ahayd inaan marna loo ogolaan, loona diido inay cagta soo dhigaan dhulka Mareykanka.
Donald Trump ayaa si gaara farta ugu fiiqay Soomaalida qaxootiga ah ee Mareykanka galay, wuxuuna ku tilmaamay kumaankun Soomaali ah oo yimid dalka Maraykanku inay la yimaadeen dhibaatootin iyo amni darro ayna ku biiraan ururada Daacish iyo kuwa kale ee argagixisada ah, ayna u soo jiiday Mareykanka dembiyo waaweyn.
Mar kale ayuu Soomaalida Mareykanku tilmaamay basaasiin ay leeyihiin cadowga Mareykanka. Waa ka sii daray isagoo leh”Qaxootiga mislimiinta waa xayawaan, waxaan la macaamileyno waa xayawaan..”.
Dadka ku dhaqanka Gobolka Main ayuu sheegay Donald Trump inay og yihiin in denbiyada ugu badan ay ka yimaadaan dadka Soomaalida ah, wuxuuna daba dhigay: “Sow sax maaha..?
Ma aha markii ugu horeysay ee Donald Trump uu weeraro Soomaalida Mareykanka, waxaana dad badan la yaaban yihiin sida uu toosha ugu shidayo Soomaalida Mareykanka.
Goobjooge.com