Monday, June 23, 2025

Dood Culus oo ka dhalatay Weriyeyaal booqday Isbitaal Martiini & Agaasimaha oo loogu baaqay inay is karaantiisho

Waxaa dood weyn dhalisay booqasho ay isbitaal Martiini ee loo gaar yeelay la-tacaalidda dadka qaba cudurka Coronavirus galabta ku tageen xubno ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta oo sawirro kusoo galay halkaasi, iyagoo booqday weriye ka tirsan Warbaahinta dowladda oo halkaasi ku xanuunsanaya.

Ismaaciil Mukhtaar Oronjo iyo C/casiis Maxamed Guuleed Afrika oo ka wada tirsan Wasaaradda Warfaafinta ayaa booqday isbitaalka Martiini, waxaana booqashadaasi suuragelisay gabadha da’ yar ee ku-simaha agaasimaha dhowaan loogu magacaabay isbitaalkaasi Caasha Daa’uud Ibaahim oo iyadiina ay ku wehlisay booqashada.

Dhaqaatiir iyo dad kala duwan ayaa si weyn u cambaareeyay arrintan oo halisteeda leh, iyadoo wax lala yaabo ku tilmaamay in isbitaal ay ku jiraan dad qaba cudurka Covid 19 loo ogolaado inay booqdaan dad caadi ah, waxayna ka hadleen aqoon darrada weyn aan cudurkan ka jirta gudaha Soomaaliya.

Dadka booqday weriye Maxamed National ayaa ku dooday in weriyaha aan laga helin cudurka, sidaasoo ay tahayna loo geliyay qalab, isla markaana la buufiyay.,!. laakiin waxay Jawaabtu tahay inaysan suuragal ahayn in qof maanta calaamadihii lagu arkay isla markii laga helo cudurka, iyadoo baaritaanku u baahan yahay 24 saac, marka laga qaado kadib.

Qaar ka mida dhaqaatiirta ayaa ka digay in Isbitaal Martiini uu noqon doono goob uu ka faafo cudurka Coronavirus marba haddii ay arrintan maanta ka dhacday, waxayna dadka arrintan ka dooday ku baaqeen in la karaantiilo agaasimaha iyo labada weriye ee falkan ku kacay.

Falkan wuxuu banaanka soo dhigay in Isbitaal Martiini u baahan yahay qof khibrad leh oo maamula howlihiisa, maadaama cudurrada faafa, kuwooda saf-mareenka ah ay u baahan yihii khibrad lagula tacaalo.

AGAASIMAHA KMG AH EE DHOWAAN LOO MAGACAABAY ISBITAAL MARTIINI

Dhaqaatiir kale ayaa ka deyriyay qalabka uu xirnaa shaqaalihii caafimaad ee la tacaalayey Weriyaha Bukaanka ah, kaasoo aan ahayn Qalab si buuxda cudurka uga difaaci kara qofkaasi ka mida shaqaalaha caafimaadka, iyadoo la ogyahay in qalab fara badan oo dhaqaatiirtu xirtaan (PPE) ay dowladdu ku heshay deeq.

Doodda culus ee hareysay Baraha bulshada ayaa keentay inuu Weriye C/casiis Afrika aqbalo inuu is karaantiilo muddo laba toddobaad ah, wuxuuna yiri: “Waxaanan aqbalay inaan iskarantiilo. Waxaan ku dardaarmayaa inaan la igu daysan..”


What a disaster.., what kind of doctors are working this hospital. It seems they dont have any idea about #COVID19 Vistors. . Ya Allah ya Allah – Sainab Mussa

De Martini hospital soon will be the next hotspot for the spread of covid19 ! Visits should be restricted – Dr. Yahye Shoole

We are weeks into fighting Covid-19. It is now clear that the lack of personal protective equipment (PPE) for frontline workers has become a crisis within a crisis…. #Key workers and our patients deserve better. – Dr. Ikram Adam


NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON