Monday, July 14, 2025

Dood ka dhalatay Lacag maamulka G/Banaadir u qeybiyay Dhalinyaro laga soo ururiyay Degmooyinka

Waxaa maalmihii ugu danbeeyay si weyn loo hadal hayay tallaabo cusub oo uu qaaday Maamulka Gobolka banaadir ee guddoomiye Taabit Cabdi Axmed.

Maamulka ayaa dhalinyaro la sheegay inay shaqo la’aan yihiin oo laga soo qoray degmooyinka Gobolka Banaadir u qeybiyay lacag lagu sheegay XAQAL CIID oo midkiiba la siiyay $50.

Sawirro guddoomiyaha gobolka iyo ku xigeenada ay ka muuqdaan iyagoo baqshada lacagahaasi ku jiraan guddoonsiinaya dhalinyaradaasi ayuu faafiyay maamulka, waxayna arrintan dood weyn ka dhalisay baraha bulshada oo si weyn loogu faaqiday.

Iyadoo Gobolka Banaadir laga soo xigtay  in degmo waliba lagas oo qoray  75 ilaa 100 dhalinyarro ayaa lacagta la bixiyay ilaa iminka ay sare u dhaaftay $50,000, waxayna dadka qaarkii arrintan ku tilmaameen mid aan waxba soo kordhineyn, isla markaana maamulka looga baahnaa inuu u gurmado dad barakacayaasha ah ee Muqdisho ku sugan.

Dadka qaarkii ayaa soo dhoweeyay iyagoo sheegay inay dhiirigelin u tahay dhalinta aan shaqada heynin, halka qaar kale sheegeen in cadadka lacagta aanu noqon karin mid daboola xaqal ciidka loogu talogalay, haddana dadkii mudnaa aan la siin.

Maamulka Gobolka banaadir ayaa looga fadhiyaa inuu dhalinyaradda shaqo la’aanta ah u abuuro mashaariic ay shaqooyin ka helaan, taasoo wax ka bedeli karta shaqo la’aanta heysata dhalinyarrada.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON