Saturday, July 5, 2025

Dood ka dhalatay War ay Wakaalada Wararka Dowladda Somalia ka qortay Madaxweyne Farmaajo & Derbiga Kenya

Dood ku saabsan War ay Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee dowladdu maamusho ka faafisay madaxweynaha Soomaaliya oo ku saabsan Derbiga ay kenya ka dhiseyso xuduudka labada dal ayaa dood weyn ka dhalliyey baraha bulshada.

Warka ayaa cinwaan looga dhigay: “Madaxweyne Farmaajo oo hakiyey dhismaha darbiga Balad Xaawo iyo shir ku saabsan oo barri furmaya”, taasoo dadka qaarkii su’aal ka keeneen, waxaana la is weydiiyay: “Taloow ma madaxweynaheena ayaa dhisayay darbiga Beledxaawo, sow tan lala leeyahay wuu hakiyay..?!!

Dad badan ayaa dhaliilay qaabka Wakaalada Wararka Dowladda ee SONNA u dhigtay warka, iyadoo qoraalkeedu ka muuqday in derbiga la hakiyay markii ay wadahadal yeesheen madaxweynayaasha labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraalkan ayaa jawaab u ah sida la filayo dadweyne fara badan oo baraha bulshada ku dalbaday inuu madaxweynuhu ka hadlo arrinta dhul boobka ee Kenya ka wado magaalada Beledxaawo, laakiin waxaa muuqata in Wakaaladu ku liidato  tifaftirka ama ay la tagtay taageerada madaxda sare.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON