Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay Miisaaniyadda dowladda ee 2017 u soo bandhigay dood furan.
Kulan ay ka qeyb galayaan xubno ka socda ururada bulshada, Aqoonyahanno iyo marti sharaf kala duwan ayaa iminka ka socda Hotelka Jazeera ee Muqdisho, waxaana su’aalo lagu weydiiyay gudigga Baarlamaanka.
Kharashka guud ee Miisaaniyada sanadka 2017 oo kala bar dhammaaday ayaa gaaraya US$ 246 million, waxaana ka dhex muuqda isu dheelitir la’aan ka jirta qoondooyinka hay’adaha dowlada.
SAWIRRO
Goobjooge