Doodwadaagii Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa dib loo soo nooleeyay kadib markii waanwaan iyo wadahadal ay dhex mareen musharixiinta, Guddoonka baarlamaanka iyo Guddiga Doorashada.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in la isla gartay in Dooda la qabto 6-da bishan oo ku beegan isniinta, iyadoo lagu celin doono sidii loo hore loogu qorsheeyay.
Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in hore ay u sameeyeen maalmo dheeraad ah oo haddii wax dib u dhacaan loo baxsan karo, ayna isla garteen in la qabto Isniinta.
Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa si weyn ugu dhegay inaan Dooda la laali karin oo kaliya uu meesha ka saari karo baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii ay joojiyeen Guddiga Doorashooyinka.
Goobjooge.com