Wararka laga helayo magaalada Hobyo ayaa sheegaya in Dooni u rarneyd Ganacsato ka soo jeeda Galmudug oo kasoo Shiraactay dalka Imaaraadka ayaa ku degtay Badweynta India xilli ay ku soo socotay Dekadda Hobyo.
Doonta ayaa la sheegay inay gashay cilad aan la fileyn, kadibna ay mowjado waaweyn ku dhufteen kuwaasoo markii dambe keenay inay degto Doonida oo siday alaab kala duwan.
Badeecada ay Doontu siday ayaa lagu sheegay inay ka koobneyd 30-Gaari, Shidaal iyo Shixanado Bagaash ah oo ganacsato lahaayeen, iyadoo laga soo raray magaalada Dubia ee Dalka Imaaraadka.
Markab Dagaal oo goobta ka dhowaa ayaa la sheegay inuu badbaadiyey qaar ka mida shaqaalihii la socday Doonta degtay sida uu saxaafadda u sheegay Shariif Shire oo ah guddoomiyihii hore ee degmada Hobyo.
Goobjooge.com