Monday, June 23, 2025

Doonyo Qaad sida oo lagu qabtay Duleedka Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho aya asheegaya in Xeebta Jazeera ee degmada Wadajir galabta lagu qabtay Labo doomood oo siday Qaad.

Sida ay sheegeen dadka degaanka Labada Doomood ee la qabtay ayaa la sheegaya in ay kasoo baxeen Xeebta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose oo Qaadka dhinaca badda lagu keeno.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta lagu qabtay labada Doon, iyadoo la xiray dadkii Doomaha waday iyo sidoo kale Ganacsatadii iska lahayd Qaadka oo goobta ku sugnaa.

Qaadka ay sideen Doonyah la qabtayayaa ahaa mid aad u farabadan oo loogu talagalay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya oo maalintii saddexaad maanta Qaad la’aan ahayd.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON