Monday, July 14, 2025

Doorashada Aqalka sare ee Hirshabeelle oo heshiis laga gaaray [Xilliga ay dhaceyso]

Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare  ee maamulka Hirshabeelle ayaa lagu wadaa inay maanta ka bilaabato magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Sheekh  Cusmaan Barre ayaa sheegay in maanta ay bilaaban doonto Doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ee  maamulka Hirshabeelle, kadib markii ay dib u dhacday maalintii shalay ahayd, balse heshiis laga gaaray muran hareeyay musharixiinta iyo beelaha qaarkood.

Guddoomiyaha  Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ugu baaqay xildhibaanada inay soo xaadiraan fadhiga doorashada isla markaana waqtiga dhowraan.

Sheekh Cusmaan Barre ayaa intaas ku daray in howlaha maanta horyaalla Baarlamaanka Hirshabeelle ay ka mid tahay in  la dhageysto khudbadaha musharaxiintal isla markaaana la geli doono doorashada xildhibaanada Aqalka Sare.

DHAGEYSO

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON