Monday, July 14, 2025

Doorashada Kursi Baarlamaan oo la sii ogyahay Natiijadiisa oo maanta ka dhaceysa Dhuusamareeb [Akhriso]

Waxaa maanta magaalada Dhuusamareb ka dhacaya Doorashada kursi ka mid ah Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasoo uu iska casilay C/qaadir Gaafow Maxamuud.

Guddiga Doorashada ayaa Magaalada Dhuusamareeb ku qabanyaa doorashada kursigan iyadoo la sii ogyahay inuu si fudud kusoo baxayo  Taliyihii hore ee NISA C/laahi Gaafow Maxamuud oo walaalkiis C/qaadir Gaafow uu banneeyay kursigan.

Waxaa kula tartamaya C/llaahi Gaafow musharax lagu magcaabo Xiireey Muxudiin Cumar, iyadoo odayaasha iyo ergooyinka Beesha ay si buuxda u taageersan yihiin C/llaahi Gaafow, waana doorasho la sii ogyahay natiijadeeda iyo cidda la dooranayo.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa sheegtay inay bilaabeen hubinta Ergooyinka, islamarkaana doorashada maanta u dhici doonto  sidii loogu talo galay.

Waxaa si weyn loo adkeeyay amniga magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa aad loo adkeeyay, waxaana xiran waddooyinka ku dhaw goobta ay doorashada ka dhaceyso, si looga hortago arbushaad dhacda inta lagu guda jiro Doorashada.

Doorashadii uu ku soo baxay C/qaadir Gaafow ayaa ahayd mid ay hareysay eedeymo ku saabsan inuu Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Gaafow uu adeegsaday awood si uu wallaalkiis xilkan ugu guuleysto, tasoo keenay in la laalo natiijada, balse dib loogu doortay mar kale qaab sidii hore la mida.

HOOS KA AKHRISO DOORASHADII  HORE

Akhriso: Dacwad ka dhan ah Kursiga C/qaadir Gaafow oo Suldaanka Beesha Forculus/Murusade u qoray Beesha Caalamka

C/qaadir Gaafow oo mar kale ku soo baxay Doorasho mugdi ku jiro oo ka dhacday Muqdisho [Sawirro]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON