Xilliga doorashada madaxweynaha cusub ee Galmudug ayaa dib loo dhigay kadib qoraal maanta kasoo baxay Guddiga qabanqaabada doorashada ee Baarlamaanka Galmudug.
Qoraalka ayaa lagu sheegay kadin markii la tixgeliyay musiibadii ka dhacday Muqdisho oo ay ku waxyeeloobeen dad badan oo Soomaaliyeed, islamarkaana umadda Soomaaliyeed oo dhan ay mashquul ku tahay gurmadka iyo taakuleynta dadkii ku dhibaatoobay musiibadaas.
Iyo sidoo kale iyadoo aysan suuragal aheyn in doorasho dhacdo iyadoo wali ay xabsi guri ku jiraan guddoonkii baarlamaanka iyo sii-hayihii xilka madaxweynaha ee dowlad goboleedka Galmudug.
Xilliga doorashada madaxweynaha Galmudug ayaa laga dhigay 15-ka Novembar 2017, iyadoo muddo ka badan 20 maalmood dib loo dhigay doorashada oo markii hore ku beegneyd in la qabto 22-ka Oktoobar.