Muran ayaa ka dhashay cidda u tartameysa Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle, kadib markii beesha Jareer ay ka baxday doorashadii Guddoonka.
Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Doorashada guddoonka baarlamaanka maamul goboleedka Hirshabeelle ay dib ugu dhacday khilaaf ka dhashay arrintan oo keentay inay xildhibaanada beesha Jareer isaga baxaan doorashada.
Xildhibaana Jareer ayaa ku doodaya inay guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle iyagau leeyihiin oo aanay jirin cida kula tartami karto.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Federalka Soomaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo maanta halkaasi gaaray ayaa la kulmay arrintan, isagoo dhexdhexaadin iyo dadaal u galay xalinta arrinta la isku heysto.
Beesha Gaaljecel ayaa iyaduna dooneysay xilka guddoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo laba ka mida musharixiinta u taagan guddoomiyaha ay ka soo jeedaan beeshaasi oo iyadu hore ugu tashatay inay xilkaasi qaadato.
Weli waxaa magaalada Jowhar ka socda dadaalka lagu doonayo in xal loogu helo arrintan, waxaana warar hoose sheegayaan in Wakiilada Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo IGAD ay ka danbeeyeen qaska ka abuurmay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo labada beelood ee Gaaljecel iyo Jareer ay mid waliba u balanqaadeen inay yeelan doonto taasoo keentay inay labadan beelood isku qataarmaan xiligii ugu danbeeyay ee doorashadu dhici lahayd.
Goobjooge.com