Monday, June 23, 2025

Doorashadii kursigii Beesha Galmaax ee Aqalka hoose oo loo hakiyay muran ka dhashay Ergada

Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya inay dib u dhac ku timid doorashadii kursiga beesha Galmaax ee Aqalka hoose.

Kursigan oo ay ku tartami lahaayeen laba haween oo kala ah Mina Xasan Shibis iyo Bakiin Maaxi Macalin ayaa la sheegay inuu u baaqday arrin ku saabsan ergada oo kala qeybsantay.

Musharaxa Bakiim Maaxi ayaa la sheegay in ergada taageersan ay diideen inay tagaan xarunta Doorashada kadib markii laga war helay in ergada dhinaca kale ee Mina ay ka badan yihiin, taasoo keentay  in doorashadii hakato.

bakiin1Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa soo farageliyay arrintan, waxayna kulamo kala duwan la yeesheen labada musharax iyo Guddiyada Doorashada, iyadoo aan la shaacin wixii kasoo baxay.

Bakiin Maaxi Macalin ayaa diiday inay doorashada maanta ka qeyb gasho iyadoo Guddiga Doorashada ku eedeysany inay faragelin ku hayaan ergada.

Waanwaan lagu doonayo in xal loogu helo ergada iyo musharxiinta isku haya kursigan ayaa ka socota magaalada Jowhar.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON