Wasiirka Arrimaha GudahaSoomaaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa shaaciyay inay heshiis la gaaareen madaxd Galmudug, kaasoo ku saabsan doorashada madaxweynaha mamulkaasi.
Wafdi uu hoggaaminayey wasiirka oo ay la socdeen xubno ka tirsan labada gole ee Galmudug iyo Madaxda maamulka Galmudug ayaa lagu heshiiyay in doorashada dib loo dhigomuddo saddex toddobaad ah, waxaana la qaban doonaa 30ka bishan April.
Qodobadda la isku afgartay waxaa ka mida:
- In doorashada Madaxweynaha ay dhacdo 30 April 2017.
- In 10 April ilaa 17 April wadahadallada Galmudug iyo Ahlu sunna ay ka dhacaan magaalada Muqdisho.
- In 17 ilaa 25 April in la fuliyo waxa lagu heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna.
- In 25 ilaa 30 in la isku diyaariyo doorashada.
- In 30-ka April ay dhacdo Doorshada Madaxweynaha Galmudug.
Goobjooge.com