Thursday, June 26, 2025

Doorashadii Soomaaliya ee 2016 oo markii saddexaad dib loo dhigayo [Akhri qorshaha cusub]

Doorashada Soomaaliya ee 2016 ayaa lagu wadaa ina markii saddexaad dib loo dhigo, kadib markii mar kale la gaari waayay in lagu socdo jadwalkii ugu danbeeyay.

Wararka laga helayo Guddiga Doorashada Dadban ee heer Federaal iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa sheegaya in dib u dhaca ku yimid doorashada Aqalka sare oo weli harsan yihiin maamulka Hirshabeelle iyo Somaliand ay caqabad ku keentay jadwalkii doorashada ee dib loo bedelay.

doorasho

Doorashada Aqalka hoose ayaa iyadana weli bilaaban iyadoo qaar ka mida ergadii la filayay in lasoo dhameystiro 10-ka Oktoobar ay socon weyday.

Qorshaha cusub ee Guddiga Doorashada ayaa ah in muddo bil ah oo kale dib loo dhigo, waxaana hadda la wadaa in aakhirka bisha December la qabto  doorashada Madaxweynaha, oo ay ka horeeyaan dhameystirka Aqalka sare iyo doorashada Aqalka hoose oo lagu wado in lagu suurageliyo ilaa Novembar 15, 2016.

Beesha caalamka ayaa welwel weyn ka muujisay dib u dhaca Doorashada 2016 iyadoo ka digtay falal cabsi gelin iyo musuqmaasuq ah oo ka jira nidaamka doorashada, waxaana shaki laga mujinayo in doorashadu ku dhici karto gudaha sanadkan 2016.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON