Monday, June 23, 2025

Doorashadii ugu horeysay ee Golaha Shuurada (Baarlamaanka) oo ka dhacday dalka Qatar

Dalka yar ee Khaliijka Carabta ku yaalla ee Qatar ayaa maanta looga dareeray Doorashadii ugu horeysay Baarlamaani ah ee dalkaasi uu qabto.

Doorashadan oo ah tallaabo Dimuqraadiyadeed ee dalka Amiirka ka taliyo uu qaaday, ayaa dhinaca kale saameyn weyn ku yeelan doonin Qoyska Amiirada boqortooyada ee dalkaasi ka taliya.

Waxaa loo codeynayaa 30 xubnood oo ka mid noqonaya 45-ka xubnood ee Golaha Shuurada dalka Qatgar, kaasoo ah Gole awoodiisa ayu xadidan oo uu hore u soo magacaabi jiray amiirka dalkaasi, balse hadda 3/2 meel ay toos dadku usoo dooranayaan.

Ad

183 musharrax ayaa ku tartamaay 30-ka kursi ee Golaha Shuurada oo la dooranayo, halka 15-ka kursi ee haray uu soo magacaabayo Amiirka dalkaasi Tamim Bin Hamad Althani.

Doorashada Dalka Qatar ayaa imaaneysa xilli ammaanka si weyn loo adkeeyay oo dalka Qatar ay isku diyaarineyso martigelinta Koobka Adduunka ee sanadka 2022-ka.

Golaha Shuurada dalka Qtaar ayaa loo oggolaan doonaa in uu soo jeediyo sharciyada, ansixiyo miisaaniyadda iyo inuu wasiirada u yeeri karo. Laakiin amiirka ayaa weli leh awoodda ugu sareysa ee dalka Qatar ayaa leh, wuxuuna adeegsan karaa awoodda diidmada ee loo yaqaan veto.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON