Friday, April 26, 2024

Xildhibaan Mahad Salad iyo Senator C/xakiin Macallin oo ku dhawaaqay Dagaal ka dhan ah Ahlu Suna

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad iyo Senator Cabdixakiin Macalin Axmed ayaa magaalada Dhuusamareeb maabnta kula hadlay saxafiyiinta, iyadoo kooxda Ahlu suna ku eedeeyay inay doonayaan duminta Galmudug oo aysan waxba dhaamin Alshabaab.

“Waa laga hortegayaa, tallaabo kastana waa laga qaadayaa, ma ahan dad masaxlad raba oo wadahadal lala geli kara, mana shaqeyneyso in dadkaasi la yiraahdo hal wadahadlo iyo waanwaan a laga shaqeeyo..” ayuu yiri Senator C/xakiin Macalin oo si cad u sheegay inaan xilligan laga yeeleynin Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir inay burburiyaan Galmudug.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa Qaran-dumisnimo ku tilmaamay waxa ay ku dhaqaaqeen Ahlu Suna. “Walaalayaalow haddii xil wax tarayo ama xoolo wax idin tarayaan, waxaan idin leenahay maamuladii dalkan isaga danbeeyay in qolo kasta ay heshiis la galeen oo xilal ka qaateen, kadibna ka baxayseen..” ayuu yiri Mahad Salaad.

Ad

Mahad Salaad wuxu ugu baaqay Ahlu Suna oinay ka waantoobaan dhiigga ay faraha kula jiraan, dadkoodana dhinac ka raacaan, wuxuuna yiri. “Ujeedka nimankaan maanta Shaarka Diimeed soo gashaday ee Godadka ka qodanaya Guriceel waa inay soo celiyaan Isbaarooyinkii u yaallay Martabaan ilaao Mareergur, dadkana dib ugu celiyaan horumar la’aantii:

Mahad Salaad iyo C/xakiin Macallin ayaa kasoo jeeda Beesha Madaxda Ahlu suna, waxayna shalay la socdeen madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON