Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa shaacisay in kuraas hore leh oo ka bannaan Golaha Shacabka dhowaan la qaban doono doorashdooda.
Kuraasta ka bannaan Baarlamaanka Federaalka ayaa gaaraya saddex kursi oo qaarkood dacwad ka taagan tahay sida kursigii uu banneeyay Wasiir Cabaas Siraaji, waxaana Guddiga Doorashada uu sheegay in buuxintooda ay lagu qaban doono degaan Doorashadii laga soo doortay oo kala ah Muqdisho, Cdaado iyo Kismaayo.
Xaliimo yarey ayaa sheegtay in doorka Madaxda Dowlad Goboleedyada ay tahay talo iyo fududeynta doorashada. Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ayaa isku diyaarinaya qabashada Doorasho Qof iyo Codkii ah oo Dalka ka dhacda sanadka 2021-ka, taasoo suuragalnimadeeda shaki laga qabo.