Monday, July 14, 2025

Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya oo shaacisay baaritaan lagu sameeyay Meydka Marxuum Cali Khaliif

Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa shaacisay natiijadii kasoo baxday baaritaan lagu sameeyay meydka Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr.

Madaxweynaha Somali State ee Itoobiya Mustafe Cagjar ayaa amray baaris lagu sameeyo sababihii Geerida Cali Khaliif, waxaana natiijada caawa shaaciyey wasiir ku xigeenka caafimaadka Is-maamulka Soomaalida Mukhtaar Yuusuf oo shaaciyey inuu Marxuum Cali Khaliif u geeriyooday cudurka Covid-19.

Warar laga helay magaalada Jigjiga ayaa sheegaya inuu Cali Khaliif magaalada ku xanuunsanaa laba maalmood isagoo aan wax daryeel ah helin, isla markaana uu kadib geeriyooday.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa shaki ka muujiyey geerida soo noqnoqotay ee magaalada Jigjiga muddooyinkii ugu danbeeyay ay ku geeriyoodeen dad magac ku leh Soomaalida.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON