Dowladda Mareykanka ayaa lacag dhan $1.5 malyan ugu deeqday dowladda Soomaaliya, iyadoo dhaqaalahaasi lagu taageerayo dib u habeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Deeqdan ayaa lagu fulinayaa tababarro, dhaqangelinta nidaamka shaqada iyo sare u qaadida tayada ciidamada Booliska Soomaaliyeed, siina Waaxda Dembi Baarista(CID) iyo xoojinta Booliska gobolada ee dhowaan la dhisay kuwaasoo laga caawini doono sidii ay uga hortagi lahaayeen dembiyada iyo argagixisnimada.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Maxamed Aden Ibrahim (Fargeeti) iyo Ergeyga Gaarka ah ee dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya James P. McAnulty ayaa magaalada Muqdisho maanta kula saxiixday heshiiskan ay dowladda Soomaaliya ku heleyso lacagta lagu xoojinayo ciidamada Booliska. Munaasabadda lagu kala saxiixday heshiiskan waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xaamud.
Bureau of International Narcotics and Law Enforcement Affairs (INL) ayaa waxay bixisay deeqda ujeedkeedu yahay in ciidamada booliska Soomaalida laga taakuleeyo shaqadooda si sare loogu qaado awoodda ciidanka u leeyihiin ka hortagga denbiyada abaabulan.
Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aden Farkeeti ayaa wuxuu u mahadceliyey Dowladda Mareykanka sida ay mar walba u garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Ergayga Gaarka ah ee dowladda Mareykana ayaa isna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay xiriirka labada wadan, ayna ka go’an tahay dowladiisa inay garab intaan ka balaaran siin doonto Soomaaliya. Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaliyeed, Maxamed Sheekh ayaa sidoo kale deeqda ka timid Mareykanka ku tilmaamay mid wax weyn ka bedeli doono tayada Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]