Sunday, July 13, 2025

Dowlada Somalia oo dalbatay inay Dagaal geliso ciidamada uu Turkigu ku tababarray Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa inay dagaal geliso ciidamadii uu Turkigu ku tababarray saldhigga TurkSom ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe)  ayaa maanta  kulan la yeeshay saraakiisha Ciidanka Turkiga ee maamulka Saldhiga Turkiga, wuxuuna hordhigay qorshaha dowladda Somalia ee ah inay ciidamada tababarka ku qaatay saldhiga Turkiga Muqdisho howlgeliso, kana qeyb galaan dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay arrintan iyadoo taliska ciidamada milateriga ay doonayaan in lagu soo wareejiyo ciidamada Turkigu Muqdisho ku tababarray, iyadoo aan go’aan ah laga gaarin arrintan.

Dugsiga Tababarka Ciidanmada ee TurkSom ayaa soo saaray dhowr dufcad oo ciidamada milateriga ah, waxaana la sheegay in Turkigu ka cabsi qabo in ciidamadaasi ay kala lumaan haddii ay lagu wareejiyo taliska milateriga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON