Wednesday, July 2, 2025

Dowladaha Somalia & Qatar oo kala saxiixday Heshiis cusub (Shaqaalaha Soomaalida oo fursado helaya…)

Guddiga dib u howl-gelinta heshiiska Soomaaliya iyo Qadar ee ku saabsan fursad siinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay Dalkaasi ka helaan fursado shaqo ayaa la kulmay Guddiga dhiggooda ah ee Dalka Qatar.

Heshiiska labada dal, waxaa la saxiixay Sannadkii 1983-dii iyadoo dib loo soo nooleeyay bisha September ee sanadkan 2019, kaddib wadahadal dhex maray wasaaradaha shaqada iyo arrimaha Bulshada Soomaaliya iyo Wasaaradda hormarinta maamulka, shaqada iyo arrimaha Bulshada ee Dalka Qadar.

Wasaaradaha Shaqada ee labada dal aya mgacaabay guddi ka kooban 6 xubnood oo loo xil-saaray dhaqan-gelinta heshiiska, iyadoo shir uga socday magaalada Doha lagu kala saxiixay qorshe how-leedka lagu fulinayo heshiiska adeegsiga shaqaalaha oo qodobadiisa ay ka mid yihiin:

1. In Labada Dal is-weydaarsadaan liiska shirkadaha ka shaqeeya arrimaha la xiriira qaadista shaqaalaha Dalka dibeddiisa loo qaadayo.

2. Waxaa la isla gartay in Dowladda Soomaaliya ay qeyb ka hesho shaqaalaha ka shaqeyn doona Koobka Adduunka ee lagu qaban doono Dalka Qadar Sannadka 2022-ka.

3. Dawladda Qadar waxay adkeynaysaa ahmiyadda ay leedahay in Shaqaalaha Soomaaliyeed uu u furanyahay suuqa shaqada ee Dalka Qadar.

4. Waxaa la isla gartay in la abuuro diiwaan laga heli karo xogta iyo macluumaadka shaqaalaha Soomaaliyeed oo dhammaystiran.

5. Labada Wasaaradood waxay isla garteen in ay yeeshaan Xafiisyo ka mas’uul ah xiriirinta arrimaha shaqaalaha.

a. Soomaaliya waxaa u qaabbilsan Xafiiska xiriirka arrimaha Carabta ee Wasaaradda Shaqada.

b. Sidoo kale Dowladda Qadar waxaa u qaabbilsan Xafiiska xiriirka Caalamiga ah ee Shaqaalaha.

Labada Guddi waxay isla garteen in sida ugu dhaqsiyaha badan howsha loo billaabo, si shaqaalaha Soomaaliyeed ay fursad shaqo u helaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON