Thursday, June 26, 2025

Dowladda Austria oo xireysa 7 Masjid, dalkeedana ka Masaafurineysa 40 Imaam & Turkiga oo cambaareeyay

Dowladda Austria ee uu higgaamiyo xisbiga midigta fog ee xagjirka ah ayaa shaacisay inay xireyso toddoba masjid, iyo xarumo ururro islaami ah oo la sheegay inay lacago ka helaan dibadda, lana masaafurinayo 40 imaam.

Ra’isal Wasaare Austria Sebastian Kurz ayaa ku dooday in talaabadan looga gol leeyahay in lagaga hor tago Islaamka siyaasadaysan ee xagjirka ah, waxaanu sheegay in dad dhinac socda bulshada dalka baal socota aan laga ogolayn Austria.

Tallaabadani waxay daba socotaa baadhitaanno maamulku ku hayey dhawr masaajid oo  la sheegay in Turkigu  uu dhaqaale siiyo iyo lix masjir oo urur Carab ah uu gacanta ku hayo, kuwasoo la xiri doono.

Horraantii sannadkan ayaa waxa soo baxay sawirro muran dhaliyey oo muujinayey dagaal ka dhacay goobta la yidhaa Gallipoli xiligii Dagaalkii Labaad ee Dunidu socday oo mid ka mid ah masaajidadaas la xidhay {ardayda wax ka dhigataa} mataleen. Waxaana caruurta loogu labisay tuutihii askarta Turkiga.

Af-hayeenka madaxweynaha Turkiga, Ibrahim Kalin, ayaa sheegay in talaabadaa Austria waxay caddayn u tahay mawjaddaha Islaam naceybka iyo cunsuriyadda ah. Waxaanu ku eedeeyey Vienna in ay macaash raqiis ah ku doonayso bulshada Muslimiinta ah ee ay beegsanayso.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON