Dowladda Federaalka iyo kooxda Ahlu suna ee Gobollada Dhexe maamulkooda ayaa isku heysta halkii la geyn lahaa dhaawaca sarkaalkii ka goostay ciidamada dowladda Soomaaliya fadhigoodu yahay Galmudug Liibaan Maxamuud Madaxweyne oo hogaaminayay dagaaladii dhowaan ka dhacay magaalada Dhuusamareeb.
Ahlu suna oo hore saartay dhaawaca sarkaalkan Isbitaalka Dhuusamareeb ayaa ku guul darreysatay inay u dirto dalka Itoobiya oo ay dooneysay in lagu daweeyo, kadibna gacanteeda lagu soo celiyo, arrintaas ayaa la sheegay inay ka hor timid dowladda Federaalka oo iyaduna dooneysa in dhaawaca sarkaalkan la geeyo Muqdisho.
Dhaawaca Liibaan Madaxweyne oo Ahlu suna u qaaday Guriceel ayaa haddana din loogu celiyay Dhuusamareeb oo isbitaalka ku yaala uu hore u cadeeyay inuusan waxba ka qaban karin dhaawaca sarkaalkan oo u badan sinta, xabadna ku taagan tahay, iyadoo weliba xaaladiisa caafimaad ay liidato.
Is-heysadka labada dhinac ayaa keenay in xaalada sarkaalkani ka soo darto waxaana ehelada ninkan ay dalbadeen in si bani’aadnimo ah loo eego xaaladda sarkaalka iyagoo doonaya in la geeyo magaalada Muqdisho.
SAWIRRO DHAAWACA LIIBAAN MADAXWEYNE
Goobjooge.com