Wasiir ku xigeenka caafimaadka dowladda Soomaaliya Cismaan Maxamed Cabdi (Daallo) ayaa deeq Daawo ah gaarsiiyay magaalada Gaalkacyo.
Deeqda Daawada ah oo dowladda Federaalka Soomaaliya ay gaarsiisay Isbitaalka Gaalkacyo, iyadoo ka timid Bisha Cas ee dalka Qadar iyo hay;adda Caafimaadka adduunka WHO, islawaxaa garoonka magaalada Gaalkacyo ku guddoonay duqa magaalad Gaalkacyo ee Puntland iyo agaasimaha isbitaalka Gaalkacyo.
Wasiir ku xigeenka ayaa hadal uu ka jeediyay xafladii wareejinta deeqda ku sheegay in daawadua ay tahay mid tayo leh oo wax weyn ka tari doonta xaaladda caafimaad ee bukaanka ku jira isbitaalka Gaalkacyo.
DAAWO SAWIRRO
Goobjooge.com