Monday, June 23, 2025

Dowladda Federaalka oo Maamul Goboleedyada ka joojisay inay galaan heshiisyo caalami ah

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in maamul goboleedyada dalka aanay heshiis la geli karin shirkado iyo hay’ado caalami ah.

Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda  Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay inay soo dhammeeyeen qorshe maamul-goboleedyada dalka ka hor istaagaya inay heshiis iskood ah la galaan hay’ado caalami ah iyagoon fasax ka haysan dowladda Federaalka.

Wuxuu intaas ku daray in wasaaradiisa ay diyaarisay qorshe ay Dowladda Dhexe ee Soomaliya kula wareegtay Midowga Yurub deeqihii loogu talagalay Soomaaliya, kadibna loo qeybin doono maamul goboleedyada.

Ad

Waxaa ugu horeeya heshiis ay Midowga Yurub iyo dowladda Soomaaliya kala saxiixdeen shalay oo deeq gaareysa 49 Milyan oo Euro loogu talogalay horumarinta waxbarashada dalka, taasoo lasoo marinayo dowladda Federaalka.

Lama oga sida qorshahan u fuli doono, iyadoo maamul goboleedyada qaarkood ay iskood heshiisyo ula galaan  hay’ado iyo dowlado shisheeye.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON