Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Miisaaniyad la’aan ah iyadoo aan wax kharash ah la bixin bishii la soo dhaafay ee July, isla markaana aan la bixin karin inta laga ansixinayo miisaaniyada lix biloodlaha ah ee hortaalla Baarlamaanka.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo Warbaahinta la ahdlay ayaa sheegay in Guddiga Joogtada ah uu go’aan ku gaaray in la fasaxo xuquuqda mushaarka iyo raashinka ee miisaaniyadda ay ku leeyihiin ciidamada.
Wuxuu arrintaasi sabab uga dhigay si aanay u hakan xuquuqda Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya, arrintaas oo la ogeysiiyay Wasaaradda Maaliyadda iyo Hay’adaha ku shaqada leh.
Dooda miisaaniyadda 2017 ayaa bilaabeysa Sabtida 5-ta Ogost, taasoo keentay in qeyb ka mida la fasaxo miisaaniyadda, waana arrin cusub oo sharciga khilaafsan in miisaaniyad dood ku jirta ay guddi joogtada Baarlamaanka ansixiyaan qeyb ka mida, taasoo noqotay mid dasuuri ah, markii miisaaniyadda dib u dhacyo badan hareeyeen.
DHAGEYSO GUDDOOMIYE KU XIGEENKA