Warark laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya uu goor dhoweyd ka degay garoonka diyaaradaha magaalada.
Wafdiga waxaa hoggaaminaya wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Cabdi Faarax Juxa, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan labada gole, wuxuuna socdaalkoodu la xiriiraa doorashada berrito ka dhici doonata magaalada Cadaado.
Doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa ka qabsoomi doonta magaalada Cadaado, iyadoo saddex musharax ay u taagan yihiin kun tartamayaan xilka, kuwaasoo kala ah: Axmed Ducaale Geelle, Axmed Cali Hilowle iyo C/qaadir Maxamed Shirwac.
Goobjooge.com
Yaa ku guuleysan doona Doorashada Madaxweynaha Galmudug..? [Fursadaha saddexda Musharax]