Monday, June 23, 2025

Dowladda Federaalka oo War kasoo saartay Howlgalkii uu ku dhintay Gen. Farxaan Qaroole…

Taliska Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo saaray howgal ka dhacay degaano ka mida degmooyinka Balcad ee Sh/Dhexe iyo Afgooye ee Sh/Hoose.

Warka kasoo baxay Dowladda ayaa lagu shaaciyey in cidamada ay si buuxda ula wareegeen deegaanno ka tirsan degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe iyo qeybo ka mida degmada Afgooye.

Tuulooyinka ay sida buuxda ula wareegeen Ciidamada oo mar kale weerar ku qaaday degaanka Basra waxay kala yihiin: Basra, Sabyo, Baqdaad, Beled Al Kariim, Baldooska, Alifoow, Muryaaley, Daniga Balow, Buula Xanshooley.

Ad

Wasiirka Difaaca xukuumadda Federaalka Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ciidamada Xoogga Dalka ay burburiyeen Saldhiggii ugu weynaa Maleeshiyaadka Alshabaab ee Deegaanada ay la wareegeen, islamarkaana aysan jirin wax iska cabin ah oo ay ciidamadu la kulmeen inta howlgalku Socday.

Howlgalka Saaka kadib ayaa waxaa Qarax Miiino oo loo dhigay lagu dilay Taliyihii ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Qaroole oo hoggaaminayey howlgalka, kadib markii gaaigii uu la socday ay Miino kula qaraxday meel u dhow degaanka Basra. (Halkan ka Akhriso)

Deegaanka Basra waa degaan Istiraatiiji ah oo isku xira gobalada Shabeellada Hoose iyo Shabeelada Dhexe. Waxaana muddo dheer gacanta ku hayey Alshabaab.

- Advertisement -

Ciidamada dowladda ayaa dhowr jeer weerar ku qaaday degaanka Basra iyo tuulooyinka ku xeeran, balse uma suuragelin inay sii heystaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON