Hay’adda Duulista Hawada ee Dowladda Federalka ee Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ka dhigtay wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).
Maareeyaha Guud ee ee Hey’adda saadaasha iyo duulista Hawada Soomaaliya Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle) ayaa sheegay in Hey’adda Duulista Hawada ee dowladda Federalka oo kaliya ay tahay midd awoodda u leh Amar kasta oo lagu joojinayo duullimaadyada Soomaaliya.
Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in iyada oo kaliya ay awood u leedahay go’aan ka gaarista arrimaha duulimaad dalka ayna joojin karto ama fasixi karto.

Amarka Galmudug ee Mamnuucista Duulimaadyada ayaa lagu shaaciyay wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo dhawaan xubno ka tirsan baarlamanka Galmudug sheegeen inay kalsoonidii kala noqdeen.