Friday, April 19, 2024

Dowladda Holland oo Aqoonsatay Baasaboorka Soomaaliga [Qeybihiisa Diblomaasiga & Shaqada]

Dowlad kale oo reer Yurub ah ayaa lagu dhawaaqay inay aqoonsatay baasaboorka Soomaaliya, siiba qeybihiisa Diblomaasiga iyo Shaqada ee ay qaataan saraakiisha iyo madaxda dowladda Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Cali Saciid Faqi oo warkan laga soo xigtay ayaa sheegay in Dowladda Holland ay si rasmi ah u aqoonsatay in dalkeeda lagu geli karo Baasaboorka Soomaaliga gaar ahaan kan Shaqaalaha iyo kan diblomaasiyiinta, iyadoo ay hore dalal kale oo Yurub ah u aqoonsadeen.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan idin la wadaago in dowladda Netherlands ay aqoonsatay Baasaboorka Diplomaasiga iyo kuwa Service-ka laga soo bilaabo May 15 2019, Baasaboorada la aqoonsaday waxaa laga soo bilaabay kuwa la bixiyay 2014-ka” ayuu safiirka bartiisa ku qoray, waxaa kaloo warkan barteeda ku faafisay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Ad

Dhowaan ayay ahayd markii dalalka Belguim & Luxembourg ay aqoonsadeen Baasaboorada Diblomaasiga iyo shaqada Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON