Dowladda Imaaraadka ayaa ku hanjabtay inay jawaab adag ka bixin doonto weerarkii ay Xuuthiyiinta Yeman ku qaadeen magaalada Abu Dhabi ee loo adeegsaday Diyaaradha Drone-ka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta ayaa cambaareeyay weerarrada ay kooxda Xuuthiyiinta ku bartilmaameedsadeen dadka rayidka ah iyo xarumaha ku yaalla dhulka Imaaraadka maanta.
Sida ay sheegtay Wakaalladda Wararka Imaaraadka ee WAM, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka ayaa ku adkeystay in weerarrada lagu bartilmaameedsaday goobaha rayidka uu noqon doono mid la isku ciqaabo.
Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Imaaraadka ayaa lagu yiri: “Imaaraadka Carabta xaq ayey u leeyihiin in ay ka jawaabaan weerarradan argagixisanimada ah iyo fal-dambiyeedkan foosha xun maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ka geysteen dalkeena”
“Maleeshiyadan argagixisadu waxay sii wadaan dambiyadooda iyadoo aan la xakameynin, iyagoo isku dayaya inay gobolka ku faafiyaan argagaxisada iyo qaska, si ay u gaaraan ujeedooyinkooda sharci darrada ah,” ayay lagu yiri qoraalka wasaaradda.
Weerarka Xuutihiyiinta ee magaalda Abu Dhabi waxaa ku dhintay 3 qof oo midkood u dhashay Pakistan, halka labada kalena ay ahaayeen Hindi, waxanaa ku dhaawacmay 6 kale, sida ay shaacisay dowladda Imaaraadka.
