Tuesday, June 24, 2025

Dowladda Ingiriiska oo Qalab Culus oo ku kacay 7 Milyan Doolar ugu deeqday Ciidamada AMISOM [Sawirro]

Dowladda Ingiriska ayaa Qalab culus ugu deeqday Ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya, iyadoo danjiraha UK u fadhiya Somaliya David Concar uu 47 Gaari oo kuwa culus ah ee  Ciidamada ah ku wareeijiyay AMISOM.

Gawaaridan waxaa ay isugu jiraan kuwa lagu qaado sahayda, Gaadiidka Askarta qaada,Booyadaha Biyaha, Baldoosarro, wiishashka lagu qodo ceelasha iyo kuwo kale, wxaana ku baxay kharash dhan 5.6 Milyan oo Pound oo ka badan 7 Milyan oo Dooalr. Danjire David Concar, ayaa sheegay in yaboohan ay u sameysay sidii ay Dowladda Ingiriiska uga qeyb qaadan lahayd xasilinta Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya Gen. Jim Beesigye Owoyesigire ayaa dowladda Ingiriiska uga mahad celiyay kaalmada ay siisay AMISOM. Waxaa uu sheegay in Gaadiidkan ay u adeegsan doonaan nadiifinta Waddooyinka,furista Waddooyinka xiran ee aanay AMISOM sahayda u mari karin iyo shaqooyinka kale ee ay qaban karaan.

Taliyaha Ciidanka AMISOM ee qeybta 1aad ee Muqdisho iyo Shabeellaha hoose Paul Lokech ayaa isna sheegay in Gaadiidkan inta badan lagu adeegsan doono Gobollada Koofurta iyo magaalada Muqdisho.

Danjiraha UK ee Soomaaliya ayaa sheegay in Gaadiidka ay ku wareejiyeen AMISOM uu lacag ahaan gaarayo 5.6 Milyan oo Bound-ka Ingiriiska ah. Waxaa uu ballan qaaday in Dowladdiisa ay sii wadi doonto kaalmada AMISOM iyo Ciidamada Soomaaliya si looga adkaado Al-shabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON