Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqat inay deeq waxbarasho siineyso ardayda Soomaaliyeed sida uu ku dhawaaqay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Dessalegn oo kulan kula yeelay Addis ababa dhiggiisa Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.
Sida ay shaacisay Wakaalada Wararka Itoobiya ENA kulankii labada Ra’iisal wasaare ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyda milateriga, Booliiska, iyo tababarrada. Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa laga soo xigtay in nabadda Soomaaliya ay xoojin doonaan oo xasiloonida Soomaaliya ay tahay xasiloonida Itoobiya.
[ad name=”HTML-4″]
Hailemariam Dessalegn wuxuu intaas ku daray in dowladda Itoobiya ay laba-laabi doonto deeqda waxbarasho ee ay siiso ardayda Soomaalida ee takhasusyada heerarka jaamacadeed ee koowaad iyo labaad (undergraduate and postgraduate program).
Sanadkii hore ayaa Itoobiya ayay deeq waxbarasho siisay 100 arday oo Soomaaliyeed heerka jaamacadeed ee koowaad iyo 50 arday oo ah heerka jaamacadeed ee labaad. iyadoo sanadkan la gaarsiinayo 200 arday heerka koowaad iyo 100 arday oo heerka labaad ah.
Goobjooge.co,
Muqdisho
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-5″]