Thursday, June 26, 2025

Dowladda Itoobiya oo ku dhawaaqday inay ciidamadeeda ka saareyso Xuduudka Eritrea

Dowladda Itoobiya ayaa sha cisay inay Ciidamadeeda kala baxeyso jiidda hore ee xuduudda ay la leedahay Eretrea oo muddo 20 sano ahayd goob dagaal, kadib heshiiskii dhex maray labada dal.

Go’aankan dawladda Itoobiya ay gaadhay ayaa waxay ka dambeysay kaddib marki ay Itoobiya iyo Eretrea colaaddi u dhaxeysay ay heshiis nabad galyo ku soo afjareen.  Ciidamada Itoobiya oo ku sugnaa jiidda hore ee Buree, Zaalambass, Shiraaro iyo Baadme waxay tiradoodu kor u dhaafeysay 100,000 iyada oo ay tirada ciidamada marar badan isbeddeleysay.

Ciidanka Itoobiya marki uu dagaal xooggan uu la galay ciidanka Eretrea waxay muddo 20 sana ah habeen iyo maalinba ay ku jireen dhufeys aad u adag iyaga oo ciidamada ay ku hubeysnaayeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Guddoomiyaha gobolke waqooyi ee ismaamulka Tigreega Taklaay G/Madihiin, ayaa wuxuu sheegay iney aad u soo dhaweeynayaan heshiiska nabadeed ee ay labada dowladood gaareen.

Waxauuna heshiiska nabadda si gaar ah dan ugu tahay ayuu yiri deegaammada xuduudda labada dal ku teedsan oo dhowr iyo labaatanki sano ee la soo dhaafay dagaalladu ay ragaadiyeen.

Eretrea waxay iyaduna dhankeeda ka sheegtay iney qaadeyso tallaabbo la mid ah tan ay Itoobiya qaadday oo ay ciidamadeeda ka qaadeyso xadka labada dal ay wadaagaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON