Sunday, June 22, 2025

Dowladda Itoobiya oo shaacisay inay bilaabeyso dhoofinta shidaalka laga helay Degaanka Soomaalida

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay diyaarineyso dhoofinta Gaaska laga helay degaanka Soomaalida Itoobiya, sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda Macdinta, Shidaalka iyo Saliidda Dabiiciga Itoobiya.

Qasala Tadese oo kamid ah mas’uuliyiinta Wasaaradda Tamarta ee Dalkaasi Itoobiya ayaa sheegay in muddo 3 sano gudahood ah lagu soo gabagebeyn doono qorshaha ku aadan diyaarinta hanaanka dhoofinta Gaaska.

Waxa qorshaha ka mida in la qodo ceelal shidaal iyo hirgelinta mashaariic waaweyn oo barbar socota soo saarista shidaalka iyo dhoofintiisa oo ay gacanta ku heyso shirkad Shiineeska ah ee lagu magacaabo Poly-GCL oo ku qiyaasay keyd dhan 6 ilaa 8 Trillion Cubic Feet.

Ad

Goobaha  laga heley shidaalka waxaa kamida Rift Valley, Abbay, Mekelle, Metema iyo Gambella,laakiise dhulka Soomaalida ayaa ah halka haatan u diyaarsan soo saarista shidaalka, siiba Gaaska.

Itoobiya ayaa dooneysa inay ka mid noqoto dalalka Saliidda dhoofiya, waxaan keyd aad u weyn laga helay degaanka Soomalida. waxaana Itoobiya ay maalintii soo saari doontaa 450 fuusto oo shidaal ah.

Shidaalka gobtaasi ceegaaga ee ay heshay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ee lagu magacaabo Poly-GCL ayaa waxaa lagu qiyaasay 6 ilaa 8 Trillion Cubic Feet.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON