Monday, July 14, 2025

Dowladda Itoobiya oo Ururro ay ka mid tahay ONLF ka saartay Liiska Argagixisada [Akhriso isbedel weyn]

Golaha wasiiradda dowladda Ethiopia ayaa baarlamaanka dalkaasi u gudbiyay qaraar ururka ONLF iyo ururo kale looga saaryo liiska kooxaha argagixisada.
Agaasimaha shaqaalaha ee xafiiska Ra’iisul-wasaaraha, Fitsuma Arega ayaa bartiisa twitter-ka ku sheegay in golaha wasiiraddu ay u gudbiyeen baarlaamaanka qaraar kooxaha ONLF, OLF, iyo Gibnot looga saaryo liiska argagisada.

Agaasimaha ayaa sheegay in go’aankanu u kooxahan ku dhiirigalin dooni inay hab nabad ah isticmaallaan si ay u gaaraan hadafkooda siyaasadeed.

Arega ayaa sheegay in golaha wasiiraddu uu ansixxiyay sharci cafis lagu siinayo shaqsiyaad iyo kooxaha ku lugta lahaa dagaalka hubeysan ee ka dhanka ahaa dowladda.

Ururka ONLF ayaa so dhaweeyay go’aanka dowladda Ethiopia. Madaxa warfaafinta ONLF oo Eritrea ku sugan ayaa sheegay in go’aanka looga saarayo liiska uu yahay tallaabo wanaagsan. ONLF iyo OLF ayaa sannado badan waxay dagaal hubeysan kula jireen xukuumadda Addis Abbaba.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON