Tuesday, June 24, 2025

Dowladda Itoobiya oo War Cad kasoo saartay Heshiiska Dekadda Berbera & Sababta ay ugu biirtay [Akhriso]

Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horeysay caddeysay mowqifkeeda rasmiga ah ee heshiiska dekadda Berbera oo ay dhowaan ku biirtay heshiis ka dhacay magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka iyadoo saami dhan 19% ka heshay maamulka Dekaddaasi.

Afhayeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Itoobiya Meles Alem ayaa sheegay in heshiiska ay wada saxiixdeen Itoobiya, DP World iyo Somaliland ee dekadda berbera aanu wax shaqo ah ku lahayn xaaladda Siyaasadda ee Soomaaliya, isla markaana uu yahay mid ganacsi oo qura.

Afhayeenka ayaa caddeeyay xariiqay in Itoobiya ay taageersan tahay midnimada iyo Madax-banaanideeda dhuleed ee Soomaaliya, xiriir wanaagsann kala dhaxeeyo dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay iska kaashadaan arrimo badan  oo ay ugu weyn tahay dagaalka lagula jiro Alshabaab.

Isagoo u warramay telefishanka Aljzeera ayuu Afhayeenka Meles Alem wuxuu sheegay in heshiiska Berbera uu salka ku hayo  iskaashiga Ganacsi iyo arrimaha Logistics-ka kaliya. Iyadoo ay qeyb ka tahay dadaalka Itoobiya ugu jirto sidii ay u heli laheyd  marino kala duwan oo badeed ee aysan marna ka horjeejin midnimada Soomaaliya.

Wuxuu soo qaatay xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo uu  sheegay inuu horumar weyn sameeyay, tan iyo intii uu booqashada ku tegay Itoobiya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON