Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay inay Soomaaliya ay u soo direyso Ciidamo cusub, kadib markii ay ka codsatay dowladda Soomaaliya.
Warkan waxaa ku dhawaaqay Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Jabuuti General Zakariye Sheekh Ibraahim oo caddeeyay in Ciidamada ay Jabuuti u direyso Soomaaliya ay ka mid noqon doonaan kuwa AMISOM ee howlgalka dagaal ku qaadi doona Alshabaab.
Ciidamada Jabuuti ayaa saldhig weyn ka sameysanayaan magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug. Waxay ciidamadan ka mid yihiin qeybta Shanaad ee Ciidamada Hiil-Walaal oo soo dhameystayn tababar ay muddo ay kusoo jireen.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee AMISOM ka tirsan ka codsaday ciidamo dheeraad ah kadib socdaal uu ku maray bishii hore.